Xeer illaaliyaha Puntland oo amray in si gaar loola socdo Xildhibaanadii Xasaanada laga qaaday

Xeer Ilaaliyaha guud ee dowlad Goboleedka  Puntland ayaa amray in aysan degaannada Puntland ka bixi Karin sigaar ahna loo ilaaliyo 8 mudane ee Maanta Baarlamaanka Puntland xasaanadii ka qaadeen.

Mudanayaasha xasaanada laga qaaday oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa Xeer ilaaliyaha Puntland uu sheegay in la xadidayo dhaq dhaqaaqooda ilaa Maxkamada laga horgeynaayo.

Xeer Ilaaliyaha guud ee dowlad Goboleedka  Puntland ayaa ku amray laamaha Amniga Puntland inay Xubnahaas meel gaar ah geeyaan, waxaana Guddoonka Golaha talo kasoo bixiyaan meeshii lagu heyn lahaa, sida in xabsi guri laga dhigayo iyo hadii xabsi la la geeynaayo.

Waxaa uu ku eedeeyay Xildhibaannada xasaanada lagala laabtay Xeer ilaaliyaha Puntland in 30kii Bishii la soo dhaafay ee November ay ishor-istaag ku sameeyeen Kulan uu Wasiirka Qorsheynta Puntland ku hortegi lahaa Golaha Wakiilada.

Sidoo kale inay ku kaceyn falal kasoo horjeeda sharafta iyo karaamada Golaha Wakiilada Puntland, sidoo kale ay sameeyeen carqaladeyn Shaqo, Aflagaado ay u geysteen Guddoonka & Xubnaha kale ee Golaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com