Goodax oo ka digay in Ciidanka Xoogga Dalka loo adeegsado reer Beledweyne

Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Ciidanka Xoogga Dalka uga digay in loo adeegsado dadka reer Hiiraan, ee bannaanbaxa ka wada Magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka loo aasaasay cadowga xuduudaha, oo xilligan uu ku soo kordhay cadow kale, oo u kala jeedo Ururka Al Shabaab.

“Ciidanka Xoogga Dalka waxaa loo aas-aasay cadowga xuduudaha, waxaa ku soo siyaaday cadowga argagixisada.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

Xildhibaan Goodax ayaa qoraal uu Duhurnimadii maanta soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay in ay ka foggaadaan in loo adeegsado shacabkooda.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa in dadkii aad u dhaarateen ee saanadda iyo hubka u qaadateen aan la idin adeegsan, oo la idin dhihin weerara shacabkaas u istaagay xuquuqdooda.” Ayuu yiri Goodax.

Beledweyne waxaa saakay ka dhacay iska horimaad hubeysan, oo uu dabo socdo bannaanbax looga soo horjeedo safarka Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaan maanta wax is hortaag ahi ku samayn dadweynihii bannaanbaxa ka waday magaaladaasi.

Bannaanbixii saakay ka bilowday Beledweyne ayaa saacado ka dib si iskiis ah u istaagay, iyadoo uu weli go’an yahay isu socodkii gaadiidka ee magaalada.

Bannaanbixii maanta ayaa ka xooganaa midkii maalmihii la soo dhaafay ka socday magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com