Wadooyinka Magaalada Beledweyne oo maanta xiran (SAWIRRO)

Wadooyinka Magaalada Beledweyne ayaa xiran, ka dib bannaanbixii maanta ka dhacay ee looga soo horjeeday safarka Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Dadweyne careysan ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Beledweyne, iyagoona jaray wadada dheer laamiga ee marta Bartamaha Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dadweynaha ayaa wadooyinka ku gooyay dhegxaan, geedo iyo birraha gaadiid la isticmaalay, si ay ugu muujiyaan, sida ay kaga soo horjeedaan safarka maanta lagu wado in Madaxweynaha Hirshabelle uu ku taggo magaaladaasi.

Bannaanbixii maanta ka dhacay magaalada ayaa dabo socdo iska horimaad hubeysan oo aroornimadii hore ee saakay ka dhacay kontorool ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin halka loo yaqaano Buundo 1aad.

Magaalada ayaa waxaa ka socdo dadaalo lagu doonayo in xaaladda lagu qaboojiyo, waxaana lagu wadaa in Odayaasha Dhaqanka ay la kulmaan wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax oo Khamiistii gaaray Beledweyne.

Odayaasha Dhaqanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka biyo diidanaa in ay la kulmaan Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), oo muddo toddobaad ah ku sugan Magaalada Beledweyne.

Dadka reer Hiiraan ayaa waxay diidan yihiin in Madaxweynaha Hirshabelle uu ka yimaado Gobolka Shabellaha Dhexe, isla-markaana ay Jowhar noqoto Xarunta Maamulka Hirshabelle, taasoo liddi ku ah bay yiraahdeen hannaanka awood qaybsiga beelaha Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com