Ciidamada Mareykanka oo la amray Somaliya in laga saaro ka hor xil wareejinta Trump

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegeysa in madaxweyne Trump uu dalbaday in ku dhawaad dhammaan ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya ka hor inta uusan xilka wareeejin bisha soo socota.

Trump ayaa horey u amray in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka ka jooga waddamada Afqaanistaan iyo Ciraaq.

Inkastoo hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya uusan sidaa u sii weynayn, haddana ciidamadaasi Mareykanka ee gaaraya 700 waxay door muhiim ah ka qaataan ololaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo mintidiinta kooxda la baxday Dowladda Islaamka.
Ururka Al-Shabaab oo xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika waxay u arkaan halista ugu weyn ee ka jirta qaaradda Afrika.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in uu sii tayaynayo xirfaddiisa ku aadan sameynta qaraxyada.

Iyadoo ay taa jirto ayaa madaxweyne Donald Trump waxa uu amray in Soomaaliya laga soo saaro dhammaan ciidamada Mareykanka ee tababarrada siiya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya isla markaana gacanta ka siiyo ka hortagga kacdoonnada hubeysan.

Amarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta ay iyaguna billaabayaan qorshahooga ka bixitaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa durbaba sheegaya in kabixitaanka ama dhimista tirada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay noqon doonto mid halisteeda leh isla markaana xoojinayso argagiisada.

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegeysa in qaar ka mid ah ciidamadaasi Mareykanka ee jooga Soomaaliya la geyn doono waddamada deriska isla markaana ay diyaar u noqon doonaan hawlgal kastaa oo loo baahdo in laga fuliyo gudaha Soomaaliya.

Xigasho

Bbc

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com