Golaha Musharaxiinta oo sheegay boob in lagu haayo hantida Qaranka

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa walaac ka muujiyay isku dayga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku bixineyso ruqsadaha baarista Shidaalka, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaas boob hanti qaran, iyadoo lagu jiro marxalad doorasho oo kala guur ah.

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Batroolka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga, iyadoo bilaabayo bixinta ruqsadaha shidaal baarista goobaha horay looga cayimay deegaanada Galmudug.

Golaha waxa ay sheegeen xilligaan oo dalka uu galaayo xaalad kala guur ah, islamarkaana loo diyaargaroobayo arrimo doorasho dowladda inaysan xaq u laheyn bixinta ruqsadaha Batroolka Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com