Golaha Wasiirada oo ka arrinsaday Madasha Somaliya iyo Beesha Caalamka

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somaliya, oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa looga hadlay shir maalmaha soo socdo lagu wado in uu ka furmo Caasimadda Muqdisho.

Golaha Wasiirada ayaa si dhow uga hadlay u diyaargarowga Shirka Madasha Somaliya iyo Saaxiibada Caalamka (Somali Partnership Forum).

Somali Partnership Forum waa madal si dhow looga hadlo arrimaha dalka, iyadoo diiradda lagu saaro arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, waxaana toddobaadkan lagu qaban doonnaa Magaalada Muqdisho.

Shirka Madasha Somaliya iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sanadkan ku soo aadaya, xilli Somaliya ay isu diyaarineyso Doorashooyinka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com