Khayre oo casho sharaf u sameeyay Xildhibaanada Galmudug (SAWIRRO)

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa caawa casho sharaf Magaalada Muqdisho ugu sameeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Barta Internet-ka ee kooxda olalaha Xasan Cali Khayre ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaarihii hore uu caawa casho sharaf u sameeyay illaa 70 Xildhibaan.

“Musharax Madaxweynaha Xasan Cali Khayre ayaa casho sharaf u sameeyay 70 Xildhibaan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug, oo ku sugan xaruntiisa ololaha ee Caasimadda Muqdisho.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka laguma sheegin waxyaabaha kulankaasi looga hadlay, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in kulanka uu ahaa mid looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan midda doorashooyinka.

Khayre ayaa 25-kii bishii Luulyo si rasmi ah isaga casilay xilka Ra’iisal Wasaaraha, ka dib markii Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku dhawaaqay in goluhu uu kalsoonidii kala laabtay Ra’iisal Wasaarihii Dalka, Xasan Cali Khayre.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com