Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax oo hawlo shaqo u joogga Magaalada Beledweyne ayaa maanta kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Dowladda.
Wasiirka oo kormeer ku tagay Saldhiga Dhexe ee Beledweyne ayaa kula kulmay Saraakiisha Booliska, kuwa Xoogga Dalka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray amniga magaalada.
Korneyl Isaaq Cali Cabdulle, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Hiiraan ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha uga warbixiyay xaaladda ciidamada, isagoo dhanka kalana sheegay in Ciidamada Booliska ay diyaar u yihiin suggida ammaanka magaaladaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo hadalka qaatay ayaa tilmaamay in Wasiirku uu shaqo adag u yimid Beledweyne, isla-markaana uu maamulkiisu diyaar u yahay fulinta awaamiirta Dowladda Federaalka.
Wasiir Afrax oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu marka hore ammaanay shaqada ciidamada. Wasiirka ayaa dhanka kale ciidamada ammaanka ka dalbaday in ay u dhimriyaan shacabkooda, isla-markaana ay kasbadaan wada shaqayntooda.
Beledweyne waxaa Jimcihii ka dhacay iska horimaad hubeysan iyo bannaanbaxyo ay dadka deegaanka uga soo horjeedeen safar uu shalay magaaladaasi ku taggi lahaa Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Wasiir Afrax oo Jimcihii la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa heshiis horudhac ahaa, oo ay gaareen waxaa qayb ka ahaa inaanan Ciidamada Dowladda loo adeegsan karin dadka reer Beledweyne.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa maanta isbitaalka weyn ee Beledweyne ku booqday dadkii ku dhaawacmay shaqaaqadii shalay.







Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com