Jubbaland oo si kulul uga hadashay arrinta Gedo & doorashooyinka

Jubbaland ayaa ka hadashay Arrimaha doorashooyinka kusoo fool leh dalka oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Baarlamaanka labada Aqal ee la filayo inay ka dhacaan meelo ay ka mid yihiin Muqdisho & dowlad goboleedyada ay ka mid tahay jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in jubbaland ay fahamsan tahay muhiimada ay leedahay kana Shaqeyneyso in dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeda ku dhacda, hufnaan ku saleysan, loo siman yahay xor iyo xalaalna ah, taas oo Soomaaliya u horseedi karta midnimo iyo dowlad Wanaag.

“Dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay dalbaneeysaa in gacanta dowlad goboleedka lagu soo celiyo maamulka, garsoorka iyo Amniga Gudaha gobolka Gedo, taas oo Ciidamo u abaabulan qaab jabhadeed oo ka amar qaata saraakiil ka tirsan NISA la wareegeen muddo hadda laga joogo 10 Bilood, isla markaana aysan doorasho ku qaban karin meel aan sharci iyo kala dambeyn ka jirin sida hadalka loo dhigay.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com