Xaalad cakiran ayaa ka taagan Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland, waxaana xiran goobaha ganacsiga ee sida maalinlaha u furnaan jiray.
Goobaha Ganaciga ee Magaalada Garowe ee Maanta xiran ayaa waxaa ka mid ah Suuqyada khudaarta iyo hilibka ee Inji, bacadlayaasha iyo inta badan goobaha kale ee ganacsiga Magaalada.
Dhinaca kale qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay banaanbax ku dhigeen wadooyinka qaar ee Magaalada, iyaga oo ka cabanaya maciishada oo sii qaaliyoobaysa, sarifka oo aan fadhin iyo lacagta danabaysan oo la xadiday.
Qaar kamid ah Banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ku dhaliileen Xukuumadda Puntland inay ka gaabisay wax ka qabashada cabashada dadka danta yar, isla markaana tallaabo ay ka qaado dadka sariflayaasha ah.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo fara badan oo ka tirsan booliska Puntland la dhoobay wadooyinka qaar ee Magaalada, iyada oo laga cabsi qabo in banaanbaxyada ay isku bedelaan kuwo rabshado wata.






Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com