Ganacsade Somaliyed oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika

Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay waxa ay dalkaasi ku dileen Muwaadin Somaliyed oo ganacsade ahaa, kadib markii ay ku weerareen mehradiisa ganacsiga.

Muwaadinka soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Aadan ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay ku dhex-dileen Dukaankiisa oo ku yaalla degaanka Danoon oo (21 km) u jirta Xaafadda Bellville ee Magaalada Cape Town.

Dhaawac culus oo ay gaarsiiyeen ayaa sabab u noqday geerida muwaadinkaan oo ahaa nin dhalinyaro ah oo shaqeysan jiray.

Somalida ku nool goobta falka uu ka dhacay ayaa sheegay inay u gurmadaan Marxuumka inta uusan dhiman, balse ka hor inta aysan gaarin goobta uu geeriyooday muwaadinkaan.

Burcadii ayaa la sheegay inay qaateen alaabo kala duwan oo yiilay goobta ganacsiga ee muwaadinkaasi uu lahaa.

Tani ayaa waxa ay qayb ka tahay tacadiyada joogtada ah ee muwaadiniinta Somaliyed, loogu gaysanaayo gudaha dalka Koonfur Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com