Somaliya oo awaamiir ku soo rogtay dadka ku safraya basaboorka Kenya

Dowladda Somaliya ayaa soo saartay amar sheegaya laga bilaabo 13-ka bishan in dal-kugal looga baahanyahay dadka wata basaboorka dalka Kenya ee imaanaya dalka.

Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Somaliya ayaa soo saartay wargelin ku wajahan dadka ku safraya basaboorka dalka Kenya iyo kuwa kale ee wata basaboorka diblomaasiga ee dalkaasi.

Akhriso wargelinta ay soo saartay Hay’adda Socdaalka oo u qorneyd sidatan:-

Wargelin muhiim ah

“Iyada oo la fulinayo Siyaasadda Dowladda Federaalka ah ee xaqiijinta amniga, hagaajinta socdaalka dalka iyo yaraynta khataraha caabuqa COVID-19, laga bilaabo December 13, 2020, dadka ku safraya basaboorka Kenyanka ah ee doonaya in ay soo galaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka ee Somaliya waxa looga baahanyahay dal-kugal, waxayna ka soo qaadan karaan Safaaradaha Somaliya.”

“Muwaadiniinta Kenyanka ah ee ku safraysa basaboorka diblomaasiga ah waxaa looga baahanyahay ogolaanshiyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Somaliya.”

“Cid kasta oo ay khuseyn karto waxa laga rajeynaya in ay fulin doonaan ujeedada wargelinta.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com