Wasiir hore oo loo doortay Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeenka, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Cabdullaahi Abyan Nuur, Wasiirkii hore ee Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa loo doortay Gudoomiyaha Guddiga, iyadoo Gudoomiye Kuxigeenka loo doortay Maxamed Ibraahim Barre, halka Farxiya Xasan Cismaan loo doortay inay noqoto Xoghayaha Guddiga.

Maxamed Ibraahim Barre oo nin dhalinyaro ah ayaa horey u soo noqday Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa xubnahan doortay, iyadoo aanay wax xubno ahi ku lahayn Maamulada Puntland iyo Jubbaland, sababo ku aadan maamuladaasi, oo aan weli soo gudbin xubnihii ku meteli lahaa.

Iyadoo uu weli muran ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka ee dalka ayaa Guddiga Xalinta Khilaafaadka la sheegay in ay shaqooyinkooda guda geli doonaan.

Sabtidi ayay ahayd markii Guddiga Doorashooyinka ay doorteen Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com