Hooyo u dhalatay dalka Sweden oo 70 jir ah ayaa la ogaaday in muddo 28 sano ah ay guri ku qarineysay wiil ay dhashay.
Wiilka oo hadda 41 jir ah ayay hooyadaasi markii uu 13 jiray bilowday in ay silsilado ku xirxirto, kuna xabisto guri ku yaala duleedka Magaalada Stochkolm ee Xarunta Sweden.
Tani waxaa la sheegay inay timid, ka dib markii ay saamayn ku yeelatay geerida wiil hore oo ay dhashay. Si aanu uga foggaan wiilkan dambe ayaa la sheegay inay sidaasi u sameysay.
Hooyadan oo xanuunsatay ayaa la dhigay isbitaal, waxaana ku booqday dad ay ehel yihiin. Eheladii ayaa markii dambe booqday oo tagay gurigii ay deganeyd, waxayna guriga ku soo arkayn qashin iyo nadaafad-darro baahsan, iyagoona wax yar ka dib maqlay cod aad u hooseeya, oo wiilkii xabisnaa ah.
Ehelada ayaa wiilkii dultagay isagoo daruufo adag ku sugan, isla-markaana ay ilkaha ka jajaban yihiin. Tani oo dareen argagax leh ku beertay ayaa waxay ku wargeliyeen booliska. Boolisku waxay halkaasi ka soo qaadeen wiilkii, oo hadda xaaladiisa lagula tacaalayo isbitaal. Xarigaasi ayaa laga cabsi qabaa in dhibaato maskaxeed uu ku reebay.
Booliska dalka Sweden ayaa iminka gacanta ku haya baaritaanka dhacdadaasi. Marka uu baaritaanka soo dhamaado hooyadaasi ayaa la fillayaa in maxkamad la horgeeyo, waxaana suurtagal ah in xabsi ay mudato, inkastoo ay da’ tahay.
Dhacdadan argagaxa badan ayaa waxaa aad u hadalhaysa warbaahinta dunida.






Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com