Cumar Filish oo ka digay in la carqaladeeyo ammaanka Muqdisho

Guddoomiyaha Mamaulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa sheegay in Magalada muqdisho ay kasoo baxday baabi’ii iyo burburkii, isla markaana xilligaan ay hiigsaneyso horurmar, waxaana uu Shacabka Muqdisho ugu baaqay inay ka qeyb qaataan sugida Amniga.

Waxaa uu sidoo kale uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in dad badan ay waqtigooda u hureen qaarkoodna ay god u galeen in la gaaro nabada ay Shacabka muqdisho manta heystaan, waxaana uu sheegay in aysan aqbali doonin in Colaad laga huriyo magaalada Muqdisho.

“Waa muhiim in qof kasta oo Soomaali ah in uu u hiiliyo Magaaladiisaan caasimaddaa ah oo uu ka Shaqeeyo, Amnigeeda horumarkeeda iyo bilicdeeda si Magaalada ay u noqoto mid horumar dhinac walbo ah gaarta ayuu yiri” Gddoomiye Filish.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu sheegay in maamulka G/Banaadir uu soo dhaweynayo qof kasta oo damac siyaasadeed leh oo doonaya in uu olole sameeyo maadaama la galayo waqti doorasho, hayeeshee aysan raali ka noqoneyn Erayada siyaasiyiinta qaar kasoo yeeraya oo keeni kara Colaad.

Hadalka Cumar Filisha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli lagu guda jiro waqti kala-giir ah, hayeeshee uu muran ka taagan yahay qabsoomida doorasho loo dhan yahay, isla markaana Dowladda Soomaliya & musharixiinta mucaaradka ay sameysteen Guddiyo doorasho oo kala dhinac ah taas oo walaac laga muujinayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com