Dabley caawa weerartay xarun ku taala Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa caawa weerartay Xarunta Laanta Barwaaqo ee Degmada Warta Nabadda, halkaasoo uu ka dhacay iska horimaad fool ka fool ah.

Xarunta Laanta Barwaaqo ayaa waxay ku taallaa xaafadda Laba Dhagax, iyadoo ay maalintii ku shaqeeyan Gudoomiye Waaxeedyo, halka ay habeenkii amnigeeda suggaan ciidamada amniga.

Dableydii weerarka soo qaaday iyo ciidamadaasi ayaa la sheegay in iska horimaad kulul uu halkaasi ku dhex maray.

Dadka deegaanku waxay sheegeen inay maqlayeen rasaas xoog leh, mudadii uu halkaasi iska horimaadku ka socday.

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay in ay dib u caabiyaan dableydaasi, oo sida la sheegay ku baxsaday gaari ay wateen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dableyda ay u carartay dhinaca wadada aadda Isgoyska Baar Ubax ee Degmada Hawlwadaag, mana cadda cidda ay ka tirsan yihiin.

Waxaa adag in faah faahin laga helo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, xilliga oo habeen ah iyo masuuliyiinta oo aan weli ka hadlin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com