Guddiyada kala dhiman ee doorashooyinka oo maanta la xareeyay

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xareeysay Xubnaha Guddiyadii doorashada heer dowlad goboleed ee kala dhimanaa, iyadoo la dejiyay Hotelka Peace, ee Magaalada muqdisho.

Xubnaha guddiyada la xareeyay ayaa kala ah Guddigii doorashada dowlad goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug & min saddex xubnood oo Xukuumadda ku kordhisay guddiyada doorashada heer dowlad goboleed.

Xubnahan ayaa muddo todobaad ah waxaa loo qabanayaa tababar ku saabsan hanaanka doorashooyinka ee dalka.

Tani ayaa muujinaysa in dowladda Somaliya ay dooneyso inay afduubato hawlaha doorashooyinka ee dalka, maadaama la xareeyay Guddiyo kala dhiman.

Puntland & Jubbaland ayaan wali soo gudbin Guddiyadooda Doorashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com