Maamulka Gobolka Banaadir oo gaadiid kala wareegay Talyaaniga (SAWIRRO)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula wareegay agab mucaawino, oo ka timid Dowladda Talyaaniga.

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa agabkaasi ka guddoomay Saraakiisha Dowladda Talyaaniga, ee ka hawlgala dalka.

Deeqdan oo ka kooban gaadiidka dab damiska ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo hawlaha gurmadka deg-degga ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Basma Caamir Axmed ayaa Xukuumadda Roma uga mahadceliyay deeqdaasi iyo taageerda ay la garab taagantahay Maamulka Gobolka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com