Puntland iyo ganacsatada oo ku heshiiyay isticmaalka Shilling Somaliga

Maamulka Puntland iyo ganacsatada Gobolka Bari ayaa maanta ku heshiiyay in la socodsiiyo lacagta Shilling Somaliga, ka dib kulan saacado qaatay oo ay maanta ku yeesheen Magaalada Boosaaso.

Maamulka iyo ganacsatada ayaa ku heshiiyay in dib loo furo ganacsiga Magaalada Boosaaso, oo maalmihii la soo dhaafay u xirnaa dhibaato ka dhalatay sicir bararka.

Labada dhinac ayaa guddi u xilsaaray dhaqangelinta heshiiskan is afgaradka ah, si ay u dhameystiraan waxyaabihii lagu heshiiyay.

Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga Puntland, Maxamed Cabdi Waaberi ayaa sheegay in galabta dib loo furay suuqa weyn ee Magaalada Boosaaso, ka dib markii lagu heshiiyay in Dekedda Boosaaso mooyee kastamyada kale lagu qaado lacagta Shilling Somaliga.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa intaa ku daray in ganacsatada kale ee magaalooyinka Puntland, ay iyana qaadan doonaan Shilling Somaliga, maadaama sida uu yiri ay isku xiran yihiin suuqyada Puntland.

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa sheegay in dhankooda ay ballanqaadeen tallaabooyin Shilling Somaliga lagu damaanad qaadayo isticmaalkiisa, si bulshada u isticmaasho, maamulkuna uu qaybo ka mida canshuuraha ku qaadi doono shilinka

Ganacsatada ayaa toddobaadkii hore bilaabay inay diidaan in ay wax ku iibiyaan lacagta dalka, ka dib markii uu sare u kac ku yimid sarifka dollarka. Tani waxay ka dambeysay markii uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu amray in agabyada ka soo degga Dekedda Boosaaso lagu canshuuro lacagta dollarka oo keliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com