Wararkii ugu dambeeyay Saraakiil Militari oo lagu dilay Gobolka Galgaduud

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa weerar lagu dilay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, oo galabta ka dhacay wadada xiriirisa Degmooyinka Guriceel iyo Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiishan oo ka amba-baxay Degmada Guriceel, kuna soo jeeday Balanballe ayaa waxaa loo galay tuulada Xafagooye, oo hoostagta Degmada Balanballe.

Maleeshiyo hubeysan ayaa wadada u gashay gaadiid ay la socdeen Saraakiishaasi, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in shan qof lagu dilay weerarkaasi, kuwaa oo afar ka mida lagu sheegay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, halka midka kalana uu askari yahay, iyadoona uu khasaaruhu isa soo tarayo.

Gurmadyo ka kala baxay Guriceel iyo Balanballe ayaa la soo sheegaya in ay halkaasi ugu taggeen Saraakiishii Militariga ee weerarka lagu laayay. Ciidanka ayaana wada hawlgalo lagu baadigoobayo maleeshiyadaasi.

Sarkaal diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado ayaa Dhacdo.com u sheegay in ay tuhmayaan in weerarka uu la xiriiro aanooyinka xagga beelaha.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin weerarkan ugu dambeeyay ee ka dhacay Bartamaha Somaliya.

Haddii si dhaba loo xaqiijiyo in weerarkaasi ay gaysteen maleeshiyo beeleed ayaa noqonaya kiisii ugu xooganaa, ee lagu qaado Ciidanka Xoogga Dalka, kuwooda ka hawlgala Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com