Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku toogtay rag hubaysan

Ciidanka ammaanka Degmada Hodan ayaa saaka toogtay laba ruux oo hubaysan, kuwaasi oo iska caabin ku sameeyay Ciidanka.

Raggaan hubaysan ayaa waxaa la sheegay inay saarnaayeen Mooto Bajaaj, islamarkaana ay wateen hub, waxa ay dadka ka dhacayeen Taleefoonada gacanta.

Ciidamada ammaanka & ragga hubaysan ayaa isaga soo hor baxay meel aan ka fogeyn Baar caynu Shamsi oo ku yaallo Xaafadda Al Baraka ee Degmada Hodan, halkaasi oo israsaaseynta ay ka dhacday.

Ciidanka ayaa toogtay mid ka mid raggii hubaysnaa, halka ruuxa kalena isaga oo dhaawac ah Ciidamada ay gacanta ku dhigeen, iminka la daryeelayo xaaladiisa Caafimaad.

Xaafadaha Black Sea & Al Baraka Subaxdii hore dadka waxaa dhibaato ku haaya Burcad hubaysan oo saaran Mooto Bajaaj, kuwaasi oo dhac u gaysta dadka rayidka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com