Maxaa ka soo kordhay Saraakiishii Militariga ee lagu laayay Gobolka Galgaduud?

Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaan weli aqoonsan heybta maleeshiyadii ka dambeysay weerarkii shalay galab lagu laayay Saraakiishii Militariga ka tirsanaa, ee ka dhacay Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa saaka sheegay in uu socdo hawlgal ballaaran, oo ujeedkiisu yahay in lagu soo qabqabto kuwii ka dambeeyay weerarka ka dhacay wadada xiriirisa Degmooyinka Guriceel iyo Balanballe.

Wasiirka oo la hadlay BBC ayaa muujiyay in ay adag tahay in horey laga ogaado heybta maleeshiyadaasi, haddii ay dhacdadani tahay markeedii ugu horeysay oo ay ka dhacday Galmudug.

“Lama ogaan karo waa xaajo ugub ah, aad ugub ugu ah deegaanka. Deegaanka ciidamo dowladdu leedahay oo dharka ciidamada loo yaqaano wata, marna jidadka looma galo, marka laga reebo Shabaab iyo wax kaloo sidaas ah. Dadka deegaanku maleeshiyaadyo waa jir jiraan oo habab beeleed isku haysta, laakiin ciidanka-kan, ciidanka dowladdu ahaa, in la laayay oo jidka loo galay uun baa hadda la ogyahay, waana xaajo ugub nagu ah.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in aanay maleeshiyadaasi lahayn saldhig la yaqaano oo loogu hagaagi karo, waana taa midda keentay in lagu jahwareero heybtooda.

“Maaha ciidan habeysan oo meel inta ka soo weerar tagay oo lagu ogyahay, xitaa tirsigooda lama yaqaano, sababtoo ah dadkii sheegi lahaa waa dadkii ay laayeen, laakiin deegaanka oo dhan baa aad loogu baxay, dadka Soomaaliduna haddii la dhex galo aad xoogga loo saaro waa wax la dareemi karo, meeshii ay ka yimaadeen iyo waxay yihiinba. Marka saacadaha soo socdo ayaan la wadaagi doonnaa Warbaahinta, wixii shaqo ah oo amniga ay ka soo qabtaan.” Ayuu yiri Wasiir Falagle.

Falagle ayaa iftiimiyay in la xaqiijiyay geerida shan Sarkaal iyo laba kale oo maqan, isla-markaan aan nolol iyo geeri midna lagu hayn.

Weerarkan oo saamayntiisa yeeshay ayaa dhanka kale waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya Galmudug, ee looga dalbanayo in ay cadaaladda horkeento dhagarqabe-yaashii falkaasi soo abaabulay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com