Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland, Kuxigeenkiisa, Wasiiro, Saraakiil ciidan iyo qaybaha bulshada.
Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ee Magaalada Garoowe ayaa la xiriira xal u helidda khilaafka hareeyay Doorashooyinka Qaranka.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Isniintii sheegay in uu socdaal ku soo mari doono Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo.
Waa safarkiisii labaad oo Ra’iisal Wasaaruhu ku taggo mid ka mida magaalooyinka waaweyn ee dalka, iydoona uu bishii hore gaaray Magaalada Baydhabo.











Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com