Al-Shabaab ayaa markii ugu horreeysay soo bandhigay magacyada & Sawirada xubnihii ka tirsanaa ee fuliyay weerarkii lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee Nairobi 14-kii Bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii.
Magacyada & sawirada ayaa waxaa la socda Muuqaala la daawan karo muddo 7 daqiiqo ah, kaas oo ku saabsan sida uu weerarka u dhacay & dhismayaasha uu ka kooban yahay Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi.
Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen 5 ruux oo ka tirsanaa, waxaana ay sheegeen in weerarkaasi uu jawaab u ahaa tallaabadii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.
Magacyada raga weerarkaasi fuliyay ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku kala sheegeen.
1:Cusmaan Axmed Xasan
2: Cali Saalim
3: Cabdi Qani Carab Yuusuf
4: Maxamed Aadam Nuur
5: Maahir Khaalid

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo warbaahinta la hadlay xilligii la soo geba-gabeeyay weerarkaas ayaa sheegay inay dileen dhamaan dagaalamayaashii weerarka ku qaaday Hotelka, isla markaana khasaaraha dhimashada ay gaareyso 14 ruux oo ahaa dadkii ku sugnaa Hotelka.