Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax saaka ka dhacay xarunta dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.
Qaraxa ayaa ahaa miino oo ,waxaana la geliyey Haan qashinka lagu shubo oo taalay afaafka hore ee xarunta.
Qaraxa ayaa xiliga uu dhacaayey ayaa waxaa xarunta ka socday shir uu guddoominayey guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheikh Xassan, waxaana lasoo warinayaa khasaare ka dhashay qaraxa saaka ka dhacay Gaalkacyo.
Inta la xaqiijiyay laba askari ayuu dhaawac kasoo kasoo gaaray, kuwaas oo illaalo ka haayey afaaafka hore ee xarunta dowladda hoose, waxaana jirin bur bur soo gaaray afaafka hore ee xarunta dowladda hoose ee maamulka Galmudug.
Saraakiisha Booliska ayaa baaraya sida suuragal ay ku noqotay Qaraxaasi la galiyay haanta qashinka ee taalay afaafka hore ee Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Gaalkacyo.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com