Xasan Sheekh oo warqad u qoray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa warqad furan u qoray Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa dhinacyadaasi la socodsiiyay in muddada dhaqangalka Dastuurka KMG uu ku egyahay muddo Xilleedka Baarlamaanka 10aad, iyadoona uu ka digay in dalka uu bilaa dastuur noqdo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in dhinacyadaasi ay qaadan tallaabooyin looga hortaggaayo in dalka uu dastuur la’aan noqdo.

Xasan Sheekh ayaa Guddoonka Labada Aqal ugu baaqay in ay si wadajir shir isugu yimaadaan, ayna ka arrinsadaan dib u eegista dastuurka, oo waajibaadka ugu gudbiyaan Baarlamaanka 11aad ee ee sanadka soo socda iyo in afti dadweyne loo qaado dastuurka.

Akhriso warqadda Xasan Sheekh

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com