Rooble oo ka dukaameystay carwooyinka Garoowe (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay si lama fillaan ahayd ku tagay goobaha bulshada isugu timaado ee Magaalada Garoowe.

Ra’iisal Wasaaraha oo socod ku soo maray carwooyinka laga dukaameysto iyo goobaha ay bulshada isugu timaado ayaa kula kulmay bulshada qaybteeda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa intii uu kormeerkiisan ku guda jiray waxaa uu ka dukaameystay carwooyinka qaarkood, iyadoo mararka qaarkood la arkaayay, isagoo si gaar gaar ahi ula fariisinaya ganacsatada.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri “Waxaan waqti la qaatay shacabka Magaalada Garoowe, oo aan ugu tagay goobaha bulshadu ku kulmaan iyo xarumahooda ganacsiga.”

“Waxaan kula dardaarmayaa in ay ilaashadaan nabadda iyo horumarka ay haystaan, ugana mahadceliyay soo dhaweyntii diirneyd ee aniga iyo wafdigeyga.”

Dhanka kale Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ka baaqsaday casho sharaf xalay loogu sameeyay Madaxtooyada Puntland, taasoo ahayd mid lagu sagootinayay wafdigiisa, ka dib markii uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday shirkii uu kula lahaa Madaxda Puntland.

Rooble ayaa lagu wadaa in Magaalada Garoowe uu uga sii gudbo dhanka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, haddii aanu qorshuhu waxba iska bedelin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com