Xeer illaaliyaha oo la kulmay xubno ka socday Midowga Yurub

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Dr.Fabian Loewenberg ku xigeenka ahna kusimaha Madaxa Howlgal-ka Midowl-ga Yurub ee Soomaaliya.

Xeer illaaliyaha & Masuuliyiintaan ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Kulanka Labaddan Mas’uul ayaa ahaa intiisa badan sidii loo xoojin lahaa wadda shaqayn u dhaxaysa EUCAP iyo xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Waxaana is xog weraysi kadib Dr. Fabian Loewenberg uu balan-qaaday in uu ka qayb qaadan doono hirgalinta istiraatijiyada Xafiiska 2020-2023-ka ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com