Dowladda oo Ciidamo badan soo dhoobtay Wadooyinka Muqdisho

Dowladda Federalka Somaliya ayaa wadooyinja Magaalada Muqdisho ku soo daadisay saaka Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Booliska Somaliya.

Ciidankaan oo laga soo kala uruuriyay Saldhigyada Gobolka Banaadir, ayaa waxa ay wataan gaadiidka dagaalka & shabaqlayaal, waxaana qorshaha uu yahay inay ka hortagaan Banaanbaxyo dowlado ka dhan ah oo Muqdisho ka dhaca.

Midowga Musharaxiinta Somaliya ayaa maanta qorsheynaya in Magaalada Muqdisho ay ka dhigaan Banaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan Hanaanka dowladda Federalka Somaliya ay u dhigtay Habraaca Doorashooyinka dalka.

Ciidamada Booliska ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada, kuwaasi oo xalay saqdii dhexe lagu soo daadiyay, kadib markii la helay warbixinta la xiriirta Banaanbaxa maanta ka dhici doona Muqdisho.

Ciidamada ayaa xiray wadooyinka qaar ee Magaalada gudaheeda, sida Wadada Maka Al Mukarama, Isgoyska Jubba, wadooyinka qaar ee dhexmara Xamar weyne & Xamar Jajab.

Lama oga sida suuragal ay ku noqon doonto in mucaaradka ay qabsadaan Banaanbax Nabdoon, maadaama dowladda ay soo diyaarisay Ciidamo badan oo Boolis ah oo wadooyinka dhex taag taagan.

Musharaxiinta Madaxtinimada Somaliya ayaa si wayn uga soo horjeedo hanaanka dowladda Somaliya ay u dhigtay habraaca doorashooyinka la qorsheynaayo dalka inay ka dhacaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com