Galmudug oo dabacsanaan u muujisay Ra’iisal Wasaare Rooble

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay inaanay Galmudug barbar carari doonin Dowladda Federaalka, si lamid ah, sidii ay Puntland sameysay.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa natiijo la’aan kala soo laabtay shirkii ay Magaalada Garoowe kula yeesheen Madaxda Maamulka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo ka hadlayay ujeedada uu Ra’iisal Wasaaruhu u yimid Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku sheegay mid uun la xiriirta arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu u yimid in danaha maqan la’isu soo jiido, si loo helo doorasho la wada leeyahay oo loo dhanyahay. Mar walba Madaxweynahayaga iyo dadka Galmudugba waa halbeygeeda weeye in la helo doorasho loo dhanyahay.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Falagle ayaa yiri “Galmudug mar walba waxay u taagan tahay in loo hiiliyo qaranimada iyo in Dowladda Somaliya hana qaaddo, waxayna u tahay halbeyga ay ku socoto. Maamulkeenu maaha mid isku dhereriya ama xisaatankiisu ku saleysanyahay inuu Dowladda Federaalka barbar ordo.”

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Magaalada Dhuusamareeb shir kula leh Madaxda Maamulka Galmudug, iyadoona Galmudug si dhow loola xiriiriyo Villa Somalia.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmai.com