Golaha Midowga Musharaxiinta oo sheegay in bannaanbaxyada ku biiri doonaan

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si kulul u cambaareeyay dadkii maanta ku bannaanbaxaayay Magaalada Muqdisho, ee Ciidamada Dowladda rasaasta nool nool u adeegsadeen.

Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in masuuliyadda falkii lagu rasaaseeyay bannaanbaxayaasha uu qaadi doono Madaxweynaha Qaranka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale sheegay in caburintii maanta ee shacabka ay dowladda u adeegsatay Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ah, oo ay tababartay Dowladda Turkiga.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay ku biiri doonaan bannaanbaxyada soo socda, iyagoona Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in shacabka loo ogolaado in ay sii wadaan bannaanbaxyada nabadeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com