Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Guddigii duufaantii GATI (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Dowladdu u xilsaartay duufaantii GATI.

Gudiga ayaa si faah faahsan uga warbixiyqy saamaynta khasaare ee ka dhalatay duufaantaasi oo ku dhufatay gobolada Gardafuu, Bari iyo Karkaar, waxay xaqiijiyeen in shacab ku nafwaayeen, xoolo tiro badan ay ku le’deen, iskaashatada kalluumaysataduna ku waayeen dad iyo qalabba, guryo iyo duunyo kalena ay waxyeelaysay.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay safarkii Guddigu ku tageen Goboladaasi iyo shaqada guddiga ee hordhaca ah, wuxuuna faray Hay’addaha Dowladda in guddiga lagala shaqeeyo gurmadka iyo sidii dadka waxyeeladu gaartay wax loo gaarsiin lahaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com