SAWIRRO: Banaanbax ka dhan dowladda, laguna illaalinaayo Ciidan oo ka bilowday Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Banaanbax ka dhan ah Dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan Madaxweynaha dalka Maxamed C.laahi Farmaajo.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa la socda Ciidan hubaysan, kuwaasi oo illaalinaya ammaanka dadka Banaanbaxaya dhigaya.

Dadka banaanbaxa dhigaayo ayaa waxa ay wataan boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Banaanbaxa ayaa wuxuu ka socdaa Degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho, halkaasi oo dadka ay isugu soo baxeen.

Waxaa xusid mudan in dowladda Federalka Somaliya saaka wadooyinka Muqdisho ay xirtay, islamarkaana la soo dhoobay Ciidamo badan, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka hortagaan Banaanbaxayaasha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com