Madaxweynaha Somaliland oo si wayn loogu soo dhaweeyay Hargeysa (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi iyo wafti ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo safar qaatay muddo saddex cisho ah ugu maqnaa dalka Kenya ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha iyo waftigiisa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, qaar kamida golaha wasiirada, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan, xildhibaano, salaadiin iyo masuuliyiin kale. Waxaana weftiga madaxweynaha si balaadhan loogu soo dhaweeyey jidadka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo bulshada qaybeheedu hareero tubnaayeen.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka ayaa faah faahin ka siiyey ujeedada safarkaas iyo guulaha Somaliland kasoo hoysay heshiisyadii ay lasoo gashay dalka Kenya, waxaanu madaxweynuhu warbaahinta uga jawaabay su’aalo dhawra oo ay ka waydiisay arrimaha safarkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com