R/wasaare Rooble oo dhagax dhigay Garoonka Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii dhagax dhigay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa dhagax dhigaan ku wehlinayay Madaxweynaha Galmudug, Kuxigeenkiisa, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yiri “Farxad ayay ii ahayd in aan dhagax dhigo Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, tan oo qayb ka ah kaalinta Dowladda Federaalka ka geysaneyso horumarinta Galmudug.”

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa ganacsatada reer Galmudug ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan horumarinta Galmudug.
“Waxaan ku boorinayaa ganacsatada reer Galmudug in ay gacan ka geystaan horumarinta deegaanadooda.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Ra’iisal Wasaaraha kaga mahadceliyay dhagax dhigiisan Garoonka Ugaas Nuur, oo ah midka ugu mashquulsan badan Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale dadka deegaanka ugu yeeray in ay kaalintooda ka qaataan horumarka ka socda Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com