Laamaha ammaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah shaqaalaha kawaanka xoolaha ee Magaalada Jigjiga, ka dib markii daaha laga qaaday qaabka ay xoolaha u gowracaan.
Muuqaal toddobadkan lagu soo bandhigay barraha bulshada ayaa muujinaya sida geela loogu gowraco kawaanka Jigjiga, oo ah in geela oo taagan laga jaro seedaha dambe ee lugaha iyo in faas/masaar looga garaaco madaxa, marka uu taag dareeyana la gowraco. Tani ayaa waxay argagax ku abuurtay bulshada deegaanka iyo weliba dadweynaha barraha bulshada.
Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Dhaadhi), Wasiirka Madaxtooyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in dhacdada argagax lihi ay soo bandhigtay Warbaahinta Dowladda, isagoona ku tilmaamay arrin naxdinteeda leh.
“Arrintii dhacday ee Warbaahinta Dowladda ay soo duubeen waa arrin koley naxdin leh. Koley waa arxan-darro la muujinayay dadkii meeshaas ka shaqeynayay ee xoolaha qalaayay, waxayna ahayd hawl aan dareemeyno in ay kula kaceen xoolahaas dad wax magarato oo shacab ah, oo ka shaqeysanayay hilibka xoolaha.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo u waramay BBC ayaa iftiimiyay in gacanta lagu soo dhigay qaar ka mid ah raggii falkaai gaystay, sidoo kalana loo xilsaaray guddi baaritaan ku soo sameeya.
“Koley hawshaan dhacday iyo sida ay wax u dhaceen nin weliba wuu arkayay, Warbaahinta ayaa soo duubtay, isla-markaana tallaabadii lagu saxi lahaa bay dowladdu qaaday, guddi bayna u sameysay. Guddigii loo sameeyayna tallaabo bay qaaday, dadkii dhibaatadan gaystay waala soo qabtay badankoodii, sharcigaana la horgeeyay, qaybtii harsaneydna waa lagu daba jooggaa.” Ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyada ee Dowlad Deegaanka.
Wasiirka oo wax laga weydiiyay cidda falkaasi ku kacday ayaa yiri “Dad ganacsato ah ayaa meesha wax ku qasha, cidda wax qashaana dowladda uma shaqaaleysna, waa dad shacab ah oo meesha wax ku qasha, nin welibana uu liisankiisa ganacsi haysto weeyaan.”
Maxaad ku sameyseen ganacsatada oo la weydiiyay ayaa ku jawaabay “Koley ganacsatada dad bay iyagu dirsadaan, dadkaa ay dirsanayaana waa gacan-yarayaal u qalaya xoolaha, iyagana ganacsigoodii bay wataan. Marka dadkii gacan-yaraha ahaa ee hawshaan qabanayay baa xadgudubkan sameeyay.”
Xasan Dhaadhi ayaa xusay in tani ay noqon karto mid horey u soo socotay iyo inay noqon karto mid ugub ah, balse ay muhiimaddu tahay in la eeggo falcelinta maamulka.
“Waxaa dhici karta in waxani uu dhici jiray oo horey u dhici jiray way dhici kartaa, gadaal inuu ka bilowdayna way dhici kartaa, laakiin muhiimadda waxaa weeyaan marka dowladda uu soo gaaro warbixintaas ama xogtaasi ay soo gaarto, maxay tallaabo qaaday iyo qaabkey wax u xalisay baa muhima. Xogtu markey soo gaarto inay dowladdu tallaabo qaado ayaa lagama maarmaan ah, cidda xogta keentayna waa Warbaahintii Dowladda ee cid kaloo dowladda waxay qarineysay fashishay maaheen.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com