Rooble oo ka qaybgalay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud uga qaybgalay Shirka Golaha Wasiirada ee Galmudug.

War ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug oo shirkan lagu faah faahiyay ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisal Wasaaraha XFS, Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyey kulanka Goleyaasha Wasiirada Dowladda Federaalka Somaliya iyo Dowladda Galmudug.”

“Kulankan oo ay soo xaadireen Wasiirada Labada Heer ayaa diiradda lagu saaray Iskaashiga xagga amniga, dhaqaalaha, maamul daadejinta, dardargelinta adeegyada bulshada, mashaariicda horumarineed iyo la dagaalanka ayaxa.”

“Kulankan oo uu Madaxweynaha ku wehlinayey Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa ku soo idlaaday guul iyo Is afgarad.”

Ra’iisal Wasaare Rooble oo gelinkii dambe ee Isniintii gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa u tagay arrimo la xiriira doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com