Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo markale weeraray Madaxweyne Farmaajo

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa si kulul uga hadlay wadooyinka Magaalada Muqdisho oo maanta xiran.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in sanadkii labaad dadka reer Muqdisho laga hor istaagay xuska 17-ka December, oo ku aadan markii ay Ciidamada Nabad Suggida weerareen hoyga uu ka deganyahay Caasimadda Muqdisho.

“Waa sanadkii labaad oo shacabka Muqdisho wadooyinka laga xiro, iyadoo laga hortegayo xuska 17-ka December.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaa ciidan la dhigay goob kasta oo lagu tuhmayo in xuska lagu qabanayo, wadda kastana waa la xiray.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu lahaa masuuliyadda lagu weeraray hoygiisa, iminkana uu diidanyahay in dadku soo xusuusto wixii dhacay 17-kii December ee sanadkii 2017.

“Madaxweyne Farmaajo isaga ayaa amray xasuuqa, isla-markaana diidan xusuusta iyo baroordiiqda. Xusku wuu dhacayaa ee Madaxweyne shacabka wadooyinka u fur.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dowladda Federaalka iyo laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com