Midowga Musharaxiinta oo si kulul uga hadlay ciidamada la duldhigay

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si kulul u cambaareeyay Ciidamada Dowladda ee maanta lagu soo daadiyay Magaalada Muqdisho, lana duldhigay xarumaha qaarkood, sida xarumaha Hoggaamiye-yaasha Midowga Musharaxiinta.

War ay soo saareen ayay ku sheegeen in dhawr jeer oo hore ay ka diggeen in Ciidamada Qaranka loo adeegsado ujeedooyin gaar ah, iyagoona ciidamada ugu baaqay inaanan loo adeegsan caburinta iyo dhibka shacabka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayay uga diggeen in Ciidamada Qaranka uu u adeegsado caburinta shacabka iyo weliba waxa ay ugu yeereen daandaansiga siyaasiyiinta.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa warka ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono masuuliyadda wixii ka dhasha daandaansiga ay sheegeen in lagu hayo iyo weliba kicinta xaaladda colaadeed ee amniga dalka lagu qalqalgelinayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com