Rooble oo gaaray Magaalada Cadaado (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo ka ambabaxay Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Cadaado.

Dadka deegaanka iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa si diiran magaaladaasi ugu soo dhaweeyay wafdiga Ra’iisal Wasaare Rooble.

Rooble ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com