RW Rooble oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Caabudwaaq (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka kula kulmay Guriga Dhaqanka ee Degmada Caabudwaaq, iyadoo kulankaasi ay bulshada deegaanka qayb ka ahayd.

Rooble ayaa Odayaasha Dhaqanka kala hadlay nabadaynta, dib-u-heshiisiinta, kalsooni dhisidda iyo gaarsiinta adeegyada dowladda ee deegaanka, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta xukuumadda ku leedahay Facebook.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula yeeshay Guriga Dhaqanka Degmada Caabudwaaq, Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax, Odayaasha Dhaqanka iyo bulshada, oo uu kala hadlay nabadaynta, dib-u-heshiisiinta, kalsooni dhisidda iyo gaarsiinta adeegyada dowladda ee deegaanka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Rooble ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com