Wararkii ugu dambeeyay hawlihii shaqo ee Safaaradda Somaliya ee Kenya

Waxaa gebi ahaanba istaagay hawlihii shaqo ee ka socday Safaaradda Somaliya ee Magaalada Nairobi, ka dib markii uu xumaaday xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Dowladda Somaliya ayaa habeenkii Isniinta si rasmi ah xiriirka ugu jartay Dowladda Kenya, ka dib markii ay ku eedeysay in fara-gelin qaawan ay dalkeeda ku hayso.

Somaliya ayaa diblomaasiyiinteeda ku sugan Magaalada Nairobi ku wargelisay in ay dalka ku soo laabtaan, halka kuwii Kenya ee dalka ka joogayna lagu amray in ay dalkooda dib ugu laabtaan.

Adeegyadii ee Safaaraddu bixineysay ayaa istaagay maalmihii la soo dhaafay, waana xilli uu cirka isu sii shareeyay xiisadda diblomaasiyaayadeed ee labada dowladood.

BBC ayaa ogaatay inaanay Safaaradda Somaliya wax shaqo ahi qaban doonin maalmaha soo socda, diblomaasiyiinta Soomaaliyeedna ay dalka dib ugu soo laaban doonaan maalinta Isniinta ee ina soo aadan.

Xarunta Safaaradda Somaliya ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka hawlgala sideed iyo toban diblomaasi iyo tiro shaqaale ah, oo qaban jiray adeegyadii Safaaradda ee dadweynaha.

Isniinta soo socoto ayaa lagu wadaa in si rasmi ah albaabada loogu laabo Dhismaha Safaaradda Somaliya ee dalka Kenya, oo xariga laga jaray 14-kii bishii hore ee November, ka dib markii dayactir iyo dib u habayn ballaaran lagu sameeyay, markii ugu horeysay muddo soddon sano ah.

Dhismahan ayay maxkamad ku taala Magaalada Nairobi dib u soo celisay 7-dii bishii December ee sanadkii 2010, ka dib markii sifo aan sharci ahayn looga iibiyay ganacsade Kenyan ahi. Ganacsadahan ayaa si aan sharci ahayn waxaa Dhismaha Safaaradda uga iibiyay xubno xilligaa ka tirsanaa Safaaradda, waana sanado ka dib markii ay dhacday Dowladdii Dhexe. Safiirkii hore ee Somaliya, Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ayaana gacan weyn ka gaystay dib u soo celinta Dhismaha Safaaradda.

Urur Goboleedka IGAD ayaa 20-ka bishan shir ka yeelan doono xiisadda siyaasadeed ee labadan dowladood, ka dib markii Somaliya ay IGAD u gudbisay warqad ka dhan ah Kenya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com