Wasiirka Amniga Somaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay tallaabadii maanta lagu xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo ujeedadii ka dambeysayba.
Wasiirka ayaa sheegay in wadooyinka loo xiray, si looga hortaggo bannaanbaxyo la doonayay in lagu qalqalgeliyo ammaanka Magaalada Muqdisho, sida uu yiri.
Wasiirka ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho uga digay inay ka qayb qaataan bannaanbaxyo rabshado wata, taasoo sida uu sheegay khatar ku ah xasiloonida magaalada.
Xasan Xundubey Jimcaale, Wasiirka Amniga ayaa Ciidamada Dowladda uga digay inay dhibaateeyaan amaba qalqalgeliyan bulshada degan Caasimadda Muqdisho.
Wasiirka ayaa xoogaga ammaanka faray in ay ka foggaadaan wax kastoo qalqal ku abuuri kara shacabka, sida inay rasaas u adeegsadaan, marka xaaladaha noocaanoo kala ah ay jiraan.

Wasiir Xundubey oo ka soo muuqday Warbaahinta ayaa ku celiyay in bannaanbaxyada la ogolyahay in la qabto, waa haddii loo maro sida uu sharcigu qabo. Waxaa uu bidhaamiyay ka hor inta aan bannaanbaxyada la qaban ay tahay in lagu soo wargeliyo hay’adaha ammaanka, haddii aan lagu soo wargelina aan la qaban karin, sida uu yiri.
Ciidamada Dowladda ayaa Talaadadii rasaasta nool nool u adeegsaday dadweyne bannaanbax ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka waday Degmada Kaaraan, iyadoona ay waxyeelo ka soo gaartay bannaanbaxayaasha.
Sidoo kale Ciidamada Dowladda ayaa maanta mararka qaarkood rasaas kor u ridaayay, intii ay xirnaayeen wadooyinka magaalada, oo dib loo furay gelinkii dambe ee maanta.
Shacabka Reer Muqdisho ayay maanta u ahayd mid ka mida maalmihii ugu adkaa, intii wadooyinka magaalada la xiraayay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com