Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay goob lagu soo dhaweynaayay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaa halkaasi ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa.

Qaraxan ayaa waxaa lala eegtay goob ay ka socotay soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble, halkaasi oo ah Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa jira Khasaare ka dhashay qaraxaasi ismiidaaminta ah ee uu fuliyay ruuxaasi naftiis haliga ah ee beegsaday goobta lagu soo dhaweynaayay Ra’iisal Wasaare Rooble.

Ciidamada ammaanka ayaa furay rasaas badan, waxaana socota gurmadka dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi, oo ciidan iyo shacab isugu jira.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com