Rooble oo xalay la caweeyay dhalinta Magaalada Cadaado (SAWIRRO)

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo xalay ku hoyday Magaalada Cadaado ayaa kormeeray goobaha ay bulshada isugu timaado iyo weliba xarumaha ganacsiga ee magaaladaasi ku yaala.

Ra’iisal Wasaaraha oo kormeerkan uu ku wehlinayay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa waqti la qaatay bulshada deegaanka, isagoona xaaladooda iyo midda magaaladaba ka wareystay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in waqti uu la qaato dadka reer Cadaado, iyadoo uu Cadaado ku sheegay magaalo nabdoon, si dhakhsi lehna u koreysa.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ku booriyay inay ilaashadaan nabadda ay maanta haystaan.

“Farxad ayay ii ahayd in aan waqti la qaato bulshada Cadaado, oo ah magaalo nabdoon, dhakhso u koreysa, tusaalena u ah nabadda iyo iskutashiga, kaalina ku lahayd Dhismaha Galmudug. Reer Cadaado waxaan ku boorinayaa inay ku fara adeygaan nabadda ay haystaan.” Ayuu yiri Rooble oo warkan ku sheegay qoraal uu saqdii dhexe ee xalay soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com