Dagaal ka socda Waqooyiga Magaalada Muqdisho

Dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Militariga Somaliya ayaa wuxuu ka socdaa xuduuda kala qaybisa Degmooyinka Cabdi Casiis & Kaaraan.

Dagaalkaan ayaa wuxuu si gaar ah uga socdaa halka loo yaqaan Isgoyska Mirinaayada, waxaana la isku adeegsanayaa hubka culus.

Dadka deegaanka waxa ay sheegayaan inay maqlayaan qoriga loo yaqaan dhashiikaha oo dagaalka la isku adeegsanaayo, illaa haddana lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay.

Ciidamada dagaalama ayaa waxaa kala hoggaaminaayo laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Militariga, kuwaasi oo u dhaxeeyo muranka ku saleysan dhulka.

Ma jirto Ciidan dowladeed oo ku baxay dagaalkaasi, waxaana wali dhaceyso rasaasta labada dhinac, maadaama wali aysan jirin cid kala dhex gashay.

Degmooyinka Kaaraan & Cabdi Casiis ee Gobolkaan Banaadir, waxaa buuxa Ciidan Militari oo hab qabiil u abaabulan, kuwaasi oo haysta hub fara badan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com