Tirada dadka ku dhintay qaraxii Gaalkacyo oo korodhay

Waxaa kordhay khasaaraha dhimashada ee ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ee gelinkii dambe ee Jimcihii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Ismiidaaminta ayaa ka dhacday afaafka hore Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdullaahi Ciise, xilli loogu diyaargaroobayay in lagu soo dhaweeyo wafdiga Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo gelinkii dambe ee shalay gaaray magaaladaasi.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee garoonkaasi, gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhimashada ayaa sii caga-caganeysa shan iyo toban qof, halka dhaawacuna uu yahay afar iyo toban kale. Dad dhaawac ahaan loogu qaaday goobaha caafimaadka ayaa goor dambe ugu geeriyooday dhaawacyadii ka soo gaaray qaraxaasi.

Dadka ku dhintay qaraxaasi oo Saraakiil ciidan u badnaa ayaa waxaa ka mida Taliyihii Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Kumaandooska Danab ee Qaybta 21aad, Korneyl Mukhtaar Cabdi Aadan, Taliye Kuxigeenkii Kumaandooska Danab, Marsha Mire, Sarkaal kale oo ka tirsanaa Qaybta 21aad, laguna magacaabi jiray Axmed Baaraaf iyo Duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumey.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa xalay isbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaana cambaareeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com