Dowladda oo ciidan dheeraad u daabushay Gobolka Gedo (SAWIRRO)

Dowladda Somaliya ayaa maanta ciidan hor leh u daabushay Gobolka Gedo, xilli xiisad ay ka taagan tahay xuduudda Somaliya la wadaagto dalka Kenya.

Diyaarado siday ciidamadan ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Doolow, iyadoona lagu wado in ay safar dhinaca dhulka ah ku taggaan Degmada Beled Xaawo.

Ciidamadan oo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ayaa waxaa Garoonka Doolow ku soo dhaweeyay Taliyaha Guutada 17-aad ee Gorgor, Cumar Deeq Xasan, Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Nasteex Cabdi Saalax, Gudoomiyaha Degmada Doolow iyo masuuliyiin kale.

Dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh ayaa ka jira xuduudda Degmada Beled Xaawo la wadaagto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dowladda Kenya ayaa Jimcihii waxay is bedel ku sameysay Ciidamadii Booliska ee xuduudda ku sugnaa, iyadoona ku bedeshay kuwo militari oo aad u qalabeysan.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay wataan gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, madaafiicda goobta iyo qoriga ridada dheer ee Altalariga.

Halka loo yaqaano saddex geesoodka ee saddexda dal (Somaliya, Kenya iyo Itoobiya) kulmisa ayay Kenya soo dhoobtay kun iyo shan boqol oo askari, kuwaa oo sida la sheegay u badan askar militari ah, oo ka soo jeeda Gobolka Soomaalida Kenya degto ee NFD.

Shacabka ku dhaqan Degmooyinka Mandhera iyo Beled Xaawo ayaa ka baqdin qaba in lagu dul dagaalamo, waxaana soo badanaya baaqyada la xiriira in laga hortaggo dagaal ka dhaca xuduudda labada dal.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com