Madaxda Somaliya iyo Kenya oo ku kulmay dalka Jabuuti (SAWIRRO)

Madaxweyne-yaasha Somaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa maanta lagu kulansiiyay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa kulan horudhac u ah Shirka Madaxda IGAD isugu keenay madaxda labadaasi dal. Shirka IGAD ayay tahay in diiradda lagu saaro xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex aloosan Somaliya iyo Kenya.

Shirkan waa mid ay dalbatay Dowladda Somaliya, ka dib markii ay Kenya ku eedeysay in ay fara-gelin qaawan ku hayso dalkeeda, sida uu xalay Saxaafadda u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo qayb ka ah wafdiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ka hor inta aan miiska leeskugu keenin labada Madaxweyne ayuu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ka codsaday Madaxweyne Farmaajo in xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dowladood la qaboojiyo.

Sidoo kale kulanka lagu wada hadalsiiyay labada Madaxweyne waxa uu ahaa mid madaxda gobolka, ay xal ugu raadinayan xiisadda diblomaasiyadeed ee labadaasi dal.

Daqiiqadaha soo socda ayuu Shirka 38aad ee Golaha IGAD uu ka furmi doonnaa Hotel Kempinski, waxaana shir guddoomin doono Abdalla Hamdok, Ra’iisal Wasaaraha Suudaan ahna Gudoomiyaha Urur Goboleedka IGAD.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com