Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa ka hadlay duulaanka Kenya ee gobolkaasi iyo waxa kaga aadan Ciidanka Xoogga Dalka, ee ku sugan jiidda dagaalka ee xuduudda labada dal.
Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta ayaa marka hore shacabka Soomaaliyeed la wadaagay in Kenya ay Gobolka Gedo ku soo qaaday duulaankii ugu xumaa, uguna garashada yaraa, isagoo dhanka kalana faah faahiyay goobaha ay ciidamadeeda ku sugan yihiin.
“Waxaan doonayaa shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba inaan la wadaago, Kenya duulaan ayay soo qaaday, kii ugu xumaa, uguna garashada yaraa bay waxay ku soo qaaday Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. Waxa ay ciidamo soo dhoobtay ayadu ay leedahay Gobolka NFD, county-ga Mandhera, gaar ahaan Magaalada Mandhera illaa Malkaariyee, nawaaxiga saddex xuduudoodka, dhanka gobolka ay gumeysato ee NFD.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa kaloo ay soo qafaashay ardaydii iskuulaadka County-ga Garissa la yiraahdo ee magaalo madaxda Garissa u tahay. Garissa, Libooya, Faafi iyo meelaha la midka ah ardaydii waxbarashada jaamacadaha iyo iskuulaadka oo la soo qafaalay. Waxaa kaloo ay soo kaxeysatay kooxdii canaasiirta ahayd ee calooshaad u shaqeysate-yaasha ee ayada ay tababaratay, ee ay ku beeratay Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan Degmooyinka Afmadow, Kismaayo iyo deegaanada hoos yimaada, maleeshiyaadkii ayada ay tababaratay ee canaasiirta ahaa iyo dad dhalinyaro oo Soomaaliyeed oo la soo afduubay. Dadkaa waxay isugu geysay Magaalada Mandhera.”

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle), Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay isu soo dhiibeen 45 nin oo dhalinyaro ah, ka dib markii hal horin oo tababar loo bilaabay ay ka baxsatay saldhiggii tababarka.
“Waxaan idinkugu bishaareynayaa qooley qoor qabad biyo kuma cabtee dhalinyaradii afduubka ahayd hal horin baa saakay soo fakatay tababarkii 1aad markii loo sameynayay oo firxatay. Illaa 45 nin baa na soo gaartay saacadihii ugu dambeeyay, kuwaa oo u kala dhashay Gobolka Soomaali Galbeed oo iska dhiibay Suufka iyo kuwo u dhashay Gobolada Jubbooyinka, oo iska soo dhiibay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.” Ayuu yiri Aadan Rufle.
Waxa kaloo uu yiri “Markaan dib ugu noqdo duulaanka Kenya shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu bishaareynayaa Kenya dhulka waan uga adkayn oo idinkaa ka markhaatiya meel aad joogtaanba, waxaan idinkugu bishaareynayaa inaydaan ka walaacin, ayadoo arrin militari ay tahay, laakiin aan idinku farxad gelinayo inaydaan taanki iyo diyaarad midna ka cabsoonin African leeyahay, ee aad kalsooni buuxdo ku qaadataan taanki iyo diyaarad African leeyahay rag ku filan inaan nahay, waa idinkugu bishaareynayaa, ayadoo qof kastoo Soomaali ah aanan ka maarmin hiilkiisa, midka wax dheef, midka wecyigelin iyo baraarujin, dawo, dhiig la’isku shubo, dhaqaale, duco Culima’udiinka Soomaaliyeed ay duceeyaan, guubaabada Abwaanada iyo Fannaaniinta Soomaaliyeed, oo Ilaahay xikmadda ku maneystay.”
Korneyl Aadan Rufle ayaa tibaaxay in Ciidanka Xoogga Dalka ay haataan ku sugan yihiin tuulooyinka Malkaariyee iyo Hareeri Hoosle, oo illaa 50km ka baxsan Degmada Beled Xaawo, gudahana ay ugu jiraan Gobolka Waqooyi Bari.
Korneyl Aadan Rufle ayaa intaa ku daray in hawlgalkoodu uu ku wajahanyahay deegaanada Dhamase, Ceelwaaq iyo Geriley oo ka tirsan Gobolka Gedo iyo Diif, Kulbiyow iyo Raaskambooni oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
“Ciidankayagu waxa uu hadda jooggaa Malkaariyee iyo Hareeri Hoosle oo 50km meel xagga ka jirto Degmada Beled Xaawo, hiigsiyaguna waa Raaskambooni, Dhamase, Ceelwaaq, Geriley, Diif, Kulbiyow iyo Raaskambooni oo ugu dambeyso, waa meesha xad beenaadku uu badda ka galo.” Ayuu yiri Aadan Rufle.
Korneyl Rufle ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Mandhera iyo maamulkooduba, sida ay uga biyo diidan yihiin dhaqdhaqaaqa ciidan ee Kenya ka waddo xuduudda Mandhera iyo Beled Xaawo.
Dowladda Somaliya ayaa maanta ciidan hor leh u daabushay Gobolka Gedo, ciidamadan ayaana ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Doolow.
Tani ayaa u muuqato mid jawaab u ah ciidamadii ay Kenya maalintii Jimcaha soo dhoobtay xuduudda Degmooyinka Mandhera iyo Beled Xaawo.
Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ee ku soo kordhay xuduudda labada degmo, marnaba ma raaligelin dadka deegaanka, kuwaa oo ku baaqaya in laga hortaggo wax kasta oo gacan ka hadal keeni kara.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com